Nicholas BwakiraSarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika ayaa booqasho ku tagay magaalada Muqdishu ee caasimadda Soomaaliya laba malamood kadib markii qaraxyo xooggan lala beegsaday ciidamada AMISOM eek u sugan Soomalaiya.
Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika Nicolas Bwakira waxa uu booqday garoonka diyaaradaha goobtii ay qaraxyadaais burburiyeen isagoo halkaaisna kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.
Mr Bwakira waxa uu markii ugu horraysay sheegay in ciidanka Burundi eek u sugan irridda lala galo Dugsigii hore ee Xalane ay rasaas ku fureen baabuurta qaraxa gaysatay, kaidbna ay taayarrada ka banjariyeen. Waxa uu sheegay in haddii aysan taasi dhici lahayn uu khasaaruhu intaasi ka badnaan lahaa.
Mr. Bwakira waxa uu sheegay in qaraxu uusna ku iman is dhigasho dhinaca AMISOM ah. Waxa uu sheegay in baabuur kuwa aysan rasaastu karin ah, oo watay calaamadda UNka uu soo dabagalay kolonyo ciidamada Burundi ah, waxana uu si qasab ah ku soo galay saldhigga.
Marka uu ka hadlayey tirada ciidanka ka dhintay AMISOM waxa uu sheegay inay ka dhinteen 16 askar ayaa dhintay, 12 Burundi ah iyo 4 reer Yuganda ah, halka tirada dhaawacana ay tahay 29. Waxaa iyaguna ku dhintay ilaa 5 qof oo is qarxiyey, taasi oo tirada dhimashada ee guud gaarsiinaysa 21 qof.









