Labo wariye oo ajnabi ah oo muddo 15-bilood ay ah kooxo hubeysan ku heysteen koonfurta Somalia, ayaa la sii daayay galinkii dambe ee Arbacada, sida ay VOA-da u xaqiijiyeen ilo wargal ah.
Amanda Lindhout, oo ah 28-jir u dhalatay dalka Canada, iyo Nigel Brennen, oo Australia u dhashay, ayay kooxaha hubeysani afduubteen 23-kii bishii August ee sanadkii 2008-da, iyagoo markaas ku sii jeeday koonfurta Somalia, halkaas oo ay damacsanaayeen inay warbixin kasoo diyaariyaan.
Kooxaha heystay Amanda iyo Nigel, ayaa marar kala duwan weydiistay lacag madax-furasho ah, oo gaareysa laba milyan iyo bar dollar.
VOA-du ma xaqiijin karto qaabka labada wariye lagu sii daayey, ha yeeshee ilo lagu war-galeen ah ayaa VOA-da u sheegay in malleeshiyada heysatay labada wariye lacag madax-furasho ah laga siiyey.
Amanda iyo Nigel ayaa lagu wadaa inay fiidka Arbacada gaaraan magaalada Nairobi.
Wariye Soomaali ah oo la socday markii la afduubanayey labadan wariye ee ajnabiga ah, ayaa kal hore VOA-da u sheegay in isaga lasii daayey lix bilood kaddib markii la afduubay, iyadoo aan wax madax-furasho ah laga bixin.
Wixii faahfaahin ee kasoo baxa warkan, kala soco boggan.



