Senator Russ Feingold oo ka mid ah xubnaha xisbiga dimoqoraadiga, ayaa Salaasadii shalay warqad uu Aqalka Cad u diray ku muujiyey in ay muhiim tahay in xukumada Obama diiradda saarto in ay u wajahdo xaaladda Soomaaliya hab ka qoto-dheer kana duwan qaabkii hore.

Senator Feingold oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddi-hoosaadka Aqalka Odayaasha ee arimha Afrika, laguna yaqaanno sida uu uga hadlo arimaha Soomaaliya ayaa hadaladiisii raaciyey in wadankan ku yaal Geeska Afrika uu yahay mid u baahan in indho gaar ah lagu eego.

Senator Feingold, inkasta oo uu ugu hambalyeeyay madaxwayne Obama tallaabadii dhakhsaha ahayd ee uu ku amray ciidamada badda ee Maraykanku in ay ku soo furtaan Kabtankii Maraykanka ahaa, Richard Phillips, haddana waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la fahmo in masiibadan budhcad-badeeda ee ka jirta Soomaaliya tahay mid ka dhalatay xaaladda dawladnimo iyo amaan la’aaneed ee kasii daraysay 18-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxa uu Senatarku sidoo kale xusuusiyey madaxwayne Obama in ay lagama-maarmaan tahay in la taageero dawladda dhexe ee dalka si ay dhidibada u aasato oo awood ay ku hanato dalkeeda u yeelato.

Waxa uu u tilmaamay madaxwaynaha in arintan budhcad-badeeda ee ka jirta Soomaaliya ay tahay mid u soo bandhigtay beesha caalamka dhibaatada Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray intaa ku daray in ay taasi bixinayso fursad iyo istraatijiyad cusub oo lagu wajaho Soomaaliya si isbeddel wax ku ool ah looga dhaliyo dhibaatadan aan ku koobnayn Soomaaliya keliya ee saamaysay dhamaanba beesha caalamka. 

Midigta sare ee boggan ka dhagayso warbxin ka hadlaysa dadaalka uu Maraykanku ugu jiro sidii loo heli lahaa farsamooyin looga hogtago burcad-badeedda.