Markab xamuul ah oo ay leeyihiin Maraykanka ayaa ku sii jeeda dekadda Mobabasa ee dala Kenya, kadib markii uu ka badbaaday weerar uga yimid burcad-badeed Soomaali ah mar uu marayay biyaha kulaala xeebaha Soomaaliya.
Markabka, Liberty Sun, ayaa haatan waxaa galbinaya mid kale oo ay leeyihii ciidamada badda Maraykanka taasoo ka dambaysay afduubka fashilmay xilli dambe oo Talaadadii shalay ahayd ah.
Shirkadda Maraykanka ah ee iska leh markabka oo lagu magacaabo Libery Maritime Corporation on New York ayaa sheegtay in markabkooda uu khasaare ka soo gaaray gantaallada garabka laga tuuro iyo rasaasta ka dhacda hubka fudud, balse ayan jirin wax shaqaale ah oo ku dhaawacmay weerarkaas. Shaqaalaha markabka ayaa sheegay in ay gabbaad ka dhigteen qolka matoorka intii uu weerarku socday.
Saraakiil u hadlay millatariga Maraykanka ayaa sheegay in markabka ciidamada badda ee USS Bainbridge lagu amray in uu u gurmado markabka la weeraray, iyada oo uu xilliganna u galbinayo Mombasa.
Markaba dagaal oo la mida kan hadda galbinaya markabka Liberty Sun ayaa Axaddii hore soo badbaadiyay kabtan Richard Philips oo ay qafaasheen burcad-badeed Soomaali ah. Ciidamada Badda ayaa howlgalkaas ku dilay saddex ka mida burcad-badeeddii halka mid afaraadna ay nolol ku qabteen.








