Xoghayaha Arimaha Dibadda Maraykanka Hillary Clinton ayaa shaacisay qorshe wajiyo badan oo uu Maraykanku kula tacaalayo burcad-badeedda Soomaaliya.Qorshahaas waxaa ka mida in Maraykanku ku dhaqaaqi doono dabagalka iyo xannibaadda dhaqaalaha burcad-badeedda, isla markaana ku cadaadin doonto maamullada ka jira Soomaaliya in ay xiraan xarumaha dhulka ee burcad-badeedda.
Clinton waxa ay sheegtay in ay rajaynayo in weerarada soo xoogaystay ee burcad-badeeddu qaadeen maalimihii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan laba weerar oo lagu qaaday markaakiib wata calanka Maraykanka ay horseedi doonto tallaabooyin adag oo laga qaado burcad-badeedda isla markaana soo afjari doonto dhaqanka madaxfurasho-bixinta.
Iyada oo ku sugan Wasaaradda Arimaha Dibadda ayay Clinton sheegtay in maamulka Obama uu doonayo in qaab diblomaasiyadeed u maro la tacaaliddiisa arimaha burcad-badeedda, isla markaana uu wax ka qabto xasilooni darida ka jirta Soomaaliya taasoo ah tan soo saartay burcad-badeedda.
Waxa ay sheegtay in ay wakiil u dirsan doonto shir looga hadlayo nabad-ilaalina Soomaaliya iyo horumarinteeda, kaasoo 23-ka April ka furmi doona Brusseles, isla markaana ay ku baaqi doonto shir ay isugu yimaadaan in ka badan 30 dal oo beesha caalamka u qaabilsan xiriirinta arimaha Soomaaliya si ay isula meel-dhigaan wixii laga yeeli lahaa burcad-badeedda, oo ay u ballaarin lahaayeen ciidamada gobolka jooga ee la dagaallamaya burcad-badeedda.
Clinton waxa ay sheegtay in arimaha uu Maraykanku mudnaanta siinayo ay ka mid tahay sidii dayn lahaa maraakiibta iyo shaqaalaha xilligan ay haystaan burcad-badeedda, isla markaana ay u cirib-tiri lahaayeen dhaqaalaha la siiyo burcad-badeedda, taasoo ay u marayaan in ay daba-gal ku sameeyaan lacagtaas, dabadeedna ay xannibaan.
Xoghayuhu waxa ay sheegtay in saboolnimada iyo xasilloonidarida ka jira Soomaaliya ee asaaska u ah burcad-badeednimada aan la illaawin.Haseyeeshee waxa ay sheegtay in xaalka burcad-badeeddu hadda yahay dab holcaya oo damin u baahan.
Clinton waxa ay sheegtay in fartay diblomaasiyiin Maraykan ah in ay xiriir la sameeyaan madaxda Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah iyo hogaamiyaha Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, halkaaso oo hoy u ah burcad-badeed badan, si markaa ay ugu cadaadiyaan in ay tallaabo ka qaadaan waxa ay ugu yeertay “qawlaysatada hubaysan ee badaha.”
Waxa ay sheegtay in maamulka cusub ee dawladda ku meel-gaarka ah, gaar ahaan madaxwayne Sharif Sheek Axmed, ay la gudboon tahay in uu u guntado sidii uu uga dhabayn lahaa ujeedkiisii in uu wax ka qabto sharci la’aanta ka jirta dalkiisa mashaqadu ka taagan tahay.
Clinton waxa ay sheegtay in Sheekh Axmed, madaxwaynaha Soomaaliya uu fahamsan yahay in burcad-badeeddani khatar ku yihiin xasilloonida iyo kala dambaynta Soomaaliya ee uu isku dayayo in uu dib u soo yagleelo.Waxa ay muujisay xoghayuhu sida ay diyaar ugu tahay in ay dhagaysato talooyinka ay soo bandhigayaan madaxwaynaha iyo shuraakada kale ee gobolka.
Clinton waxa ay sheegtay in furaha mushkiladda ay tahay xiridda xarumaha dhulka ee burcad-badeedda, intaana waxa ay ku dartay in Maraykanku aad ula socdo halka saldhig-goodu yahay.









