Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa Jimcihii maanta bilaabay qorshe ay iska kaashanayaan hay’ado badan, kaasoo looga golleeyahay sidii loo heli lahaa nidaamyo cusub oo lagula dagaallamo burcad-badeedda ka howlgasha xeebaha Soomaaliya.
Guddi shaqo oo ka kooban saraakiil sar-sare ayaa ku kulmay Wasaaradda Arimaha Dibadda, kuwaasoo ka kala socda hay’ado ay ka mid yihiin kuwa sir-doonka iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsan qaybta Afrika ee Pentagonka. Saraakiil ka tirsa Pentagonka ayaa sheegay in ay tallaabadi biloow u tahay qorshe uu Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Robert Gates ku sheegay in sida ay u badan tahay todobaadyada soo soca ay ka waqti badan galin doonaan saraakiil sar-sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca.
“Waxaannu hadda u guntanay sidii aan uga shaqayn lahayn arintaan, sida noocyada istraatijiyadeed ee lagama maarmaanka ah, hadday ahaan lahayd millatari iyo rayid, hadday ahaan lahayd hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa caamka ah. Ugu yaraan waxaan awoodnaa in aan burcad-badeedda howl-galladooda u baddalno kuwo sida hadda ay yihiin uga khatar badan, ugana dhib badan, intaa ka dibna waxaannu eegaynaa bal xalka mustaqbalka fog ee mushkiladda,” ayuu yiri Robert Gates, Xoghayaha Difaaca Maraykanka.
Gates waxa uu intaa ku daray in xuluusha mustaqbalka fog ay ka mid yihiin abuuridda fursado dhaqaale oo Soomaaliya loo sameeyo. Laakiin inta taa laga gaarayo, ayuu yiri, ciidamada millatarigu waxa ay ku dhaqaaqi doonaan wixii karaan kooda ah, iyaga oo la shaqayn doona shirkadaha maraakiibta, si loo niyad-jabiyo isla markaana loogu jawaabo markii ay weerar soo qaadaan. Isaga oo ka hadlaya xafalad ay ku qalin-jabinayeen saraakiil ciidamada badda ah ayuu Xoghaye Gates waxa uu carabka ku dhuftay mid ka mida qorshayaasha ay ka fakarayaan.
“Mid ka mida arimaha ay khubaradeenu ka fakarayaan waa in aan siyaadino ama xoojino xiriirka aan la leenahay qaar ka mida maamullada ka jira Soomaaliya, sida xukuumadda Puntland, oo iyadu la moodo in ay awood badan ku leedahay dhulka ay ka taliso marka la barbar dhigo xukuumadda ku sugan Muqdisho,” ayuu yiri xoghayuhu.
Tallaabooyin kale oo la qaadi karo ayay saraakiishu sheegeen in ay ka mid ahaan karto in sidii hore laga wanaajiyo ammaanka shirkadaha maraakiibta iyo maxkamadayn ka adag kuwii hore oo lagu qaado burcad-badeedda la soo qabto, taasoo mar horeba la guda-galay. Si kastaba ahaatee saraakiisha millatarigu waa ay ka laba-labeeynayaan in ay burcad-badeedda dagaal dhinaca dhulka ah kula galaan xarumahooda ku dhex yaal Soomaaliya. Waxa ay sheegeen in sida ay u badan tahay dagaalladaasi wax la taaban karo ka qabin doonin dhibaatada, isla markaana ay dhici karto in khasaare badan uu ka soo gaaro dadka shibilka ah.








