Kaaliyaha cusub ee Xoghayaha Arrimah Dibedda ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha  Africa, Jonnie Carson ayaa wareysi siiyey Laanta Af Soomaaliga VOA ku sheegay in Al-Shabaab aysan inqilaabi Karin dowlada Soomaaliya.

Wareysigan oo ah kii ugu horeeyey ee Mr Carson bixiyo tan iyo intii loo magacaabey jagadan cusub, ayuu ku sheegey in kulan uu shalay la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibeda Somalia, Maxamed Oomaar ay kawada hadleen arrimo fara badan oo ku saabsan xaaladaha ugu danbeeyey ee dalka Soomaaliya. Mr. Carson wuxuu xusay in Mr Oomaar  uu u xaqiijiyay in dowladda Soomaalidu ay ku kalsoontahey in ay kooxaha soo warerarey iska celin karto.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibeda ee Africa, wuxuu sheegay in kooxaha Islaamiyiinta, gaar ahaan Al-Shabaab ay yihiin kuwa weerarada gar-darada ah ku soo qaaday dowlada, isla markaana ka soo horjeeda hanaanka nabada ee Djibouti. Mr Carson wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay dagaalyahano ajanabi ah ku soo marti qaadeen dalka Soomaaliya taasina ay tahay mid dadka Soomaaliyeed ka hor-istaagaysa waxa ay sida aadka ah ugu baahan yihiin oo ah nabada.

Mr. Carson, wuxuu ugu baaqay Al-Shabaab haddii ay doonayaan in dadka Soomaaliyeed aqbalaan ay tahay inay hubka dhigaan oo ay ka qeybgalaan hanaanka nabada iyo waliba dowlada lagu soo dhisay Djibouti.

Wareysigan Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibeda oo uu qaaday Madaxa Laanta Af-Somaliga VOA Cabdiraxmaan Yabarow, waxaa uu Carson uga hadlayaa qodobo ay ka mid yihiin Sheekh Xassan Daahir Aweys, Eedaha Mareykanku u tirinayo Eritrea iyo qodob kale.

Midigta sare ee Boggan ka dhagayso Warbixin hor-dhac ah oo ku saabsan wareysigaasi, balse wareysiga oo dhamaystiran waxaad uga bogan kartaa barnaamijka Martida Makrafoonka.