Wiil Soomaaliyeed oo loo soo qabtay eedaymo la xiriira in uu afduub u haysatay kabtanka markab xamuul oo uu Maraykanku leeyahay ayaa lagu soo oogay dambiyo. Dambiyadan ayaa haddii lagu helo waxa uu mutaysan doonaa ciqaab gaaraysa xabsi daa’in.
Xeer-ilaaliyaal ka socda dawladda dhexe ee Maraykanka oo ku sugan gobolka New York ayaa sheegay in Abdiwali Abdiqadir Muse uu maxkamadda hor tagi doono Khamiista si uu u aqbalo ama u diido eedaynta loo soo jeediyay.
Abdiwali ayaa waxa loo haystaa dambiyo ay ka mid yihiin burcad-badeednimo, afduub iyo waliba haysasho hub. Haddii dambiyadaas lagu helo, waxa suuragal in lagu xukumo xabsi daa’in.
Wiilkan oo 18-jir ah waa qofkii kaliya ee ka badbaaday koox ka kooban afar oo inta ay koreen markab xamuul oo Maraykan ah bishii hore, dabadeedna ay soo qafaasheen kabtankii markabka Maersk Alabama Richard Philips.
Richard ayaa afar maalmood lagu haystay xeebaha Soomaaliya isaga oo ku jiray doon yar ka hor intii ayan ciidamadda badda Maraykanku dilin saddex ka mida raggaas, iyaga oo kii afaraadna badbaadiyay.
Qareenada Muuse ayaanan tallaabdan wali ka hadal. Garsooraha ayaa horay u diiday doodda oranaysa in uu Abdilqadir yahay 15 jir sidaa darteedna ay tahay in loo maxkamadeeyo sida caruurta.









