Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama ayaa gaaray magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacudi Carabiya, booqashadan oo ah lugtiisii ugu horaysay safar looga golleeyahay in uu xiriir kula sameeyo caalamka Islaamka.

Madaxwayne Obama ayaa u tagay Riyadh maatna oo Arbaca ah si uu wada-xaajod ula yeesho Boqor Cabdullah, iyada oo la filayo in labada nin diiradda saari doonaan colaadda Isra’il iyo Falastiin, doowrka Iran ee Bariga Dhexe iyo sicir sii koraya ee saliidda.

Madaxwaynaha Maraykanka ayaa intaa ka dib u safri doona dalka Masar si uu halkaa caalamka islaamka uga jeediyo khudbad si wayn loo dhowrayo, isaga oo khudbaddiisa ku xusi doona mashruuca nabadda ee Bariga Dhexe iyo qaddiyadaha xag-jirnimada diineed iyo colaadaha.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka Robert Gibbs ayaa Talaadadii sheegay in qorshaha madaxwayne Obama ee ku aadan hagaajinta xiriirka Maraykanka iyo caalamka Islaamka uu yahay qorshe lagu haminayo mustaqbalka fog, oo markaasna khudbadda madaxwaynuha aan dawo dag-dag ah laga filayn.

Madaxwayne Obama ayaa u safri doona qaaradda Yurub maalmaha ugu dambeeya safarkiisan shanta maalmood qaadan doona si uu uga qayb-galo xuska sannad-guurada 65-aad ee galitaankii Normardi intii uu socday dagaalkii 2-aad ee dunida.

Midigta sare ee boggan ka dhagayso warbixin uu magaalada Qaahira nooga soo diray wariye Cabdi Yusuf, kuna eegayo sidii loogu diyaar garoobayo booqashada madaxwayen Obama iyo khudbaddiisa taariikhiga ah.