Madaxweyne Obama oo maanta khudbad la wada sugayay ka jeediyay Jaamacadda Qaahira ayaa ku baaqay in bog cusub loo furo xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Dunida Muslinka ah.Waxaana uu khudbadiisa ku bilaabay salaanta Muslinka ee “Asalaamu Calaykum”.

Ixtraamka iyo qadarinta oo la wadaago ayaa sal u ah xiriirka ay wadaagayaan Maraykanka iyo Muslinka sida uu sheegay madaxweyne Obama, isaga oo tilmaamay in isbedalku aanu ku iman karin habeen iyo maalin gudahood si loo tirtiro sanooyin badan oo kalsooni darro u dhexaysay labada dhinac.

Obama ayaa khudbadiisa ku xusay in uu assal ahaan ka soo jeedo qoys ku abtirsada Islaamka, sidoo kale waxaa uu xusay doorka ay muslimiintu ka ciyaareen horomarka Maraykanka.

Sawirka khaldan ee dhinacba dhinaca kale ka haysto ayuu ku baaqay Madaxweyne Obama in maanka laga saaro, waxaana uu tilmaamay in sida aanay muslinku u wada ahayn dad xumaan ay ka buuxdo ayaanu Maraykankuna u ahayn dad danoohga iyo maslaxaddooda kaliya eegta.

Waxaa uu aad ugu dheeraaday sidii loogu dadaali lahaa in laga wada shaqeeyo waxyaabaha isku midka laga yahay.

Obama waxa uu khudbadiisa  shaaca kaga qaaday in maraykanku aanu dagaal kula jirin diinta Islaamka, balse waxa uu tilmaamay in waxa laga hortagayaa ay tahay Xagjirnimada oo halis ku ah labada dhinac.

Arrimaha Afghanistan

Mar uu ka hadlayay arrimaha Afghanistan waxaa uu tilmaamay madaxweynuhu in Maraykanku uu dadaal wayn u galay dabargoynta argagixisada , isaga oo tilmaamay in Ciidamada maraykanku ay ku raad joogaan xubnaha Al Qaacida iyo Daalibaan tan iyo intii ka dambaysay weerardii 11 September 2001.

Obama ayaa sheegay inaan loo dulqaaadan dooni xagjirka seef la boodka ah oo dilay dad badan oo diimo kala duwan aaminsan.

Islaamka Iyo Nabadda  

Madaxweyne Obama waxaa uu khudbadiisa ku xusay in diinta Islaamku ay tahay diin ay dad badan oo hal Bilyan kor u dhaafay ay aaminsanyihiin , waxaana uu xusay in aanay diinta islaamka matali karin dadka yar ee aaminsan fikirka xagjirka ah ee argagixisada ku salaysan oo dhaawacaya sumcadda muslimiinta.

Xaaladda dalka ciraaq oo ay dad badan u arkaan in ay saamayn wayn ku leedahay arrimaha ugu muhiimsan ee lagu dhaliilo siyaasadda maraykanka ayaa waxaa uu madaxeyne Obama sheegay in maraykanka ay ka go’antahayin uu taageero nabadda iyo horomarka Ciraaq isaga oo tilmaamay in ciidamada Maraykanku ay ka baxayaan Ciraaq sanadka 2012.

Mushkiladda Falastiin iyo Israa’iil

Madaxweyne Obama ayaa dhinacyo badan ka eegay xiisadda bariga dhexe ee u dhaxaysa Falastiin iyo Israa’iil waxaana uu si cad u sheegay in maraykanku aanu ogolaan doonin dhismaha dhulka muranku ka taaganyahay ee ay dhistaan dadka reer Israa’iil oo ay si weyn u diidanyihiin dadka Falastiiniyiintu.

Madaxeynuhu waxaa uu tilmaamay in maraykanku ay taageersanyihiin in la helo laba dawladood oo deris ah oo nabadgaliyo ku wada nool oo ay kala leeyihiin Falastiinyiinta iyo Israa’iiliyiintu.

Waxaana uu ku boorayay labada dhinac iyo ay xabadda iyo adeegsiga awoodda ay dhinac iska dhigaan si la isku afgarto.

Nukliyeerka Iiraan

Mar uu madaxweyne Obama ka hadlayay arrinta Nukliyeerka Iiraan ayaa waxaa sheegayin arrimaha nukliyeerku ay yihiin arrimo xasaasiyad ka dhex abuuri kara xiriirka u dhexeeya Islaamka iyo Maraykanka waxaana uu gaar ahaan u soo qaatay dalka Iiraan oo uu sheegay in maraykanku uu taageersanyahay xaqqa ay dawladd walbaa u leedahay in ay ka faa’idaysato tamarta Nukliyerka ee dhinaca arrimaha nabadda, hase ahaatee waxa uu xusay inaanu maraykanku aqbali doonin hanashada Nukliyeerka ee bariga dhexe taasi oo dunida halis galin karta .

Taageerada Dimuqraadiyadda

Madaxweyne obama ayaa maanta ku xusay khudbadiisa in maraykanka ay ka go’antahay in uu taageero xukuumadaha ku dhisan hanaan dimuqraadi ah .

Waxaa kale oo uu madaxweynuhu ku baaqay in lagu dadaalo ilaalinta xuquuda dadka laga tirada badanyahay iyo in la aqbalo kala duwanaanshaha diimaha.

Sidoo kale madaxweyne Obama waxa uu ka hadlay xuquuqda haweenaka ee dhinaca waxbarashada, shaqada iyo horumarka

Obama ayaa Khudbadiisa ku soo gabagabeeyay in billaw cusub loo baahanyahay  kaasi oo lagu heli karo wada shaqayn si looga gudbi cabsida iyo kalsooni darrada.