War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Donald Payne, oo ah mudane ka tirsan xisbiga talada haya ee Dimoqraadiga, lagana soo doorto gobolka New Jersey, ayuu ku sheegay in saraakiisha ammaanka ee maamulka Puntland ayaa daba-yaaqadii bishii October xireen shan qof oo kasoo jeeda Soomaalida Ethiopia, kuwaas oo watay warqado safar oo laga soo siiyey dalka Yemen.

Mudane Payne ayaa intaas ku daray in saraakiisha sirdoonka ee Puntland, iyo kuwa Ethiopia oo ay iyagu marti-qaadeen, inay su’aalo weydiiyeen raggaas, kaddibna in xubin ka tirsan shantaas qof, oo la yiraahdo Cabdi Max’ed Xasan (Teerso) in loo dhiibay Ethiopia.

Mudane Payne ayaa sheegay in nin kalena uu dhintay isagoo ku jira xabsiga, wuxuuna intaas ku daray in oday-dhaqameed ka hadlay arrintaas-na xabsiga loo taxaabay.
Mudane Donald Payne ayaa sheegay ineysan aheyn markii ugu horreysay ee maamulka Puntland uu falalka noocan ah ku koco. Wuxuu sheegay in sanad kahor, saraakiisha Puntland ay xireen laba sarkaal oo sarsare oo ka tirsan Jabhadda ONLF, kuwaas oo sida mudanuhu sheegay ku yimid deegaannada Puntland fasax ay ka heleen masuuliyiinta, si buu yiri ay uga xaajoodaan dilka oday-dhaqameed. Mudane Payne ayaa sheega in labadaas sarkaal loo gudbiyey Ethiopia.

Donald Payne, oo ah mudane aad u daneeya amuuraha Somalia, si weynna u cambaareeya siyaasadaha Ethiopia, ayaa sheegay in bishii lixaad ee sanadkan uu magaalada Washington ku marti-qaaday madaxweynaha Puntland, C/raxman Faroole, isla markaana uu kala hadlay dhoofinta Somalida kasoo jeedda Ethiopia. Wuxuu mudanuhu sheegay in madaxweyne Faroole uu ka ballan qaaday ineysan arrintaasi dhici doonin mar dambe.
Mudane Payne ayaa sheegay in xitaa taleefon u diray mudane Faroole markale, isla markaana uu ka codsaday in lasii daayo dadka ku xiran xabsiyada Puntland ee kasoo jeeda gobolka Somalida ee Ethiopia. Wuxuu yiri: Xitaa waxaan usoo hindisay inuu dadkaas u masaafuriyo dal saddexaad, intii ay xabsiyada isaga jiri lahayeen.

Sidoo kale, mudanaha ayaa sheegay inuu bartamihii bishan magaalada Nairobi kula kulmay madaxweyne C/raxman Max’ed Faroole, isla markaana uu u sheegay inuu aad u cambaareynayo falalka lagu dhoofinayo dadka kasoo jeeda Soomaalida Ethiopia.

Mudane Doland Payne ayaa sheegay inuu ku baaqayo in shakhsiyaadka masuulka ka ah dhoofinta, xarigga iyo waliba dilka cabsi-galinta, in lala xisaabtamo.

Hadalka Mudane Donald Payne waa midkii ugu kululaa ee kasoo baxa sarkaal sare oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka. Waxaanse caddeyn inuu horseedi karo isbeddel, mar haddii xiriirka ka dhaxeeya Ethiopia iyo xukuumadda Mareykanka uu wanaagsan yahay, fikradihiisana laga yaabo in xukuumadda Obama aysan la qabin.