Barnaamijkan waxaad ka dhagaysan kartaa maalin kasta oo jimca ah idaacaddaha 7-da iyo 8-da habeenimo. Qeybteena koowaad ee todobaadkana waxaan ku eegaynaa arday ka sheekaynaya weerar lala beegsaday baabuur ay saarnaayeen xilli ay u soo socdeen guryahoodii. Weerarkaasi wuxuu dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Bishii Maarso 31 sannadkii 2008 goor duhurnimo ah ayaa dablay aan la garanayn ay rasaas aan loo meeldayin huwiyeen baabuur bas ah oo marayey waddada jayga ah ee aadda degaanka Kaxda oo Muqdishu ka xiga dhinaca Koonfurta.

Baabuurkaasi waxa saarnaa 25 arday ah oo ka soo laabtay iskuulka Al-faatax oo ku yaalla degmada Hodan. Weerarkaasi waxaa ku dhintay laba arday, shan kalena way ku dhaawacmeen. Laba ka mid ah ardaydii ka badbaaday weerarkaasi ayaa dib u eegaya dhacdadaasi.

Dhinaca kore ee midigta ka dhagayso sheekada Xaliimo Cabdi Samad oo 19 jir ah iyo Maxamed Cabdiwaaxid oo 18 jir ah kana mid ah ardaydii weerarkaasi ku dhaawacantay.