Barnaamijkeena Faaqidaadda Todobaadkan waxaan ku eegaynaa warbixin dhawaan la soo saaray oo ku saabsan in Somalia ay liiska hore ka gashay wadamadda ugu musuqmaasuqa badan caalanka.
Warbixintaasi waxaa soo saartay hay'adda Transparency International oo fadhigeedu yahay Berlin. Barnaamijkan ayaan ku eegaynaa warbixintaasi, waxaana ka dooddaya Wasiirka Lacagta ee DKM C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) oo Muqdisho jooga, Prof. Maxamuud Guure Madaxa ururka Somali Concern Group oo jooga London iyo abukaate Cumar Maxmed C/lle oo ah sharciyaqaan ku sugan Kampala.
Barnaamijka midigta sare ee boggan ka dhagayso.

