Barnaamijka Faaqidaadda, waxaan toddobaadkan ku gorfeyneynaa colaadaha kasoo cusboonaaday gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose. Labada urur ee mucaaradka ku wada ah dowladda Somalia, Xizbul-Islam iyo Al-Shabaab, ayay dagaallo ba'ani ku dhex mareen gudaha, iyo agagaarka magaalada Kismaayo.
Dagaalladaas ayaa kaddibna ku fiday qeybaha kala ee labada gobol ee Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose. Ururka Al-Shabaab ayaad moddaa inuu hadda ku gacan sarreeyo dagaalkaas, isagoo ururka Xizbul-Islam ka qabsaday illaa iyo degmada Dhoobleey ee ku taalla soohdinta labada dal.
Laakiin dagaalkan u dhaxeeya labadan urur, ayay dadka qaar rumeysan yihiin inay dhinac ahaan yihiin kuwa ku saleysan hannaanka beelaha ku hardamaya gacan ku heynta gobollada kheyraadka badan ee Jubbooyinka, iyo waliba dekedda caalamiga ah ee Kismaayo.
Doodda waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin ay kamid yihiin:
1. C/rashiid Max'ed Xiddig, wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha ee DKMG ah.
2. Sheikh Max'ed Macallin, afhayeenka Xizbul-Islam
3. C/wali Sheikh Max'ed, oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia.
4. Iyo Maxamed Amiin Cusmaan, oo sheegay inuu hoggaamiyo Jabhadda Wax Iska Caabbinta ee Jubbooyinka.
Qeybta mid-sare ee boggan ka dhageyso labada qeybood ee barnaamijkan.

