Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxaan si gaar ah uga eegaynaa hogaanka dhaqanka Soomaalida ee Salaadiinta, Issimada iyo boqorada iyo isbedellada ku yimid 20-kii sano ee ugu danbeeyay markii ay burburtay dowladii Somalia.
Tirada Salaadiinta ayaa farabatay, waxaana dadka qaarkood ay isweydiinayaan waxtarka iyo tayada ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda.
Hadaba waxaa arrimahaasi ka falanqoonaya Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo ku sugan Denmark, Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ku sugan Kalabaydh iyo Muuse Cali Faroor oo ku xeel-dheer dhaqanka Somalida kuna sugan Hargeysa.
Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka oo laba qeybood ka kooban waxaa Studio-yaha VOA ee London ku diyaarayay C/salaam Ibrahim Herari waxaanad ka dhagaysan kartaa qeybta hoose ama midigta sare ee boggan.

