Muranka Siyaasadeed ee doorashooyinka Somaliland ayaa markale cirka isku shareeray todobaadkan kadib markii guddiga doorashadu uu laallay natiijadii diiwaangalinta, kadiban uu eryay wakiilkii hay'ada inter-peace. Balse xisbiyada mucaaradka ayaa iyagu diiday talaabooyinka uu ku dhaqaaqay guddiga doorashadu.

Guud ahaan hadaba barnaamijkeena faaqidaadada todobaadkan arrimahaasi ayaa ku eegaynaa iyo waliba suurtagalnimada inay doorashada Somaliland ay ku dhacayso waqtigii loogu talagalay.

Barnaamijkan waxaa ka qeybgalaya:

Saynab Maxamed Muuse oo ah Doctor ka howgala Isbitaal Jaamacad ku taal Germany,

Maxamed Cismaan Fadal oo ah Madaxa Hay'ada Cilmi-baadhista ee magaalada Hargeysa

Jamaal Cali Xuseen oo ah madaxa City Bank ee dalka Ivory-coast.

 

labada qeybood ee barnaamijka waxaad ka dhagaysan kartaan midigta sare ee boggan