
Faaqidaadda Todobaadka waxaan si gaar ah todobaadkan ugu eegaynaa dhibaatada ka dhalata safarada tahriibka. Dad fara badan oo African ah oo ay Somalidu ku jirto ayaa safaro halis ah oo dhaliya dhimasho, dhaawacyo, kufsi iyo xabsi waxay isaga kala gooshaan wadamo fara badan, kuwaasoo raadinaya nolol fiican ama ka cararraya dagaalada iyo collaadaha ka alloosan dalalkooda.
Barnaamijkan waxaa ka qeybgalayal Qunsulka Soomaalida ee Cadan Xuseen Xaaji Axmed, iyo sadex qof oo iyagu galay safaro tahriib ah oo ka sheekaynaya dhibaatooyinkii ay la kulmeen xilligii Tahriibka iyo waliba xaaladda ay ku nool yihiin ee ay kala kulmeen wadamada ay tahriibka ku tageen. waa C/fitaah Ibraahim Cabdi oo dhawaan Tahriib ku gaadhay dalka Yemen haatana ku jira xero qaxooti oo u dhow Cadan, Maxamuud Xasan Yalax oo ku sugan Talyaaniga iyo Axmed Maxamed Cali Cagey oo isaguna tahriib dartiis ku naafoobay oo isaguna ku sugan jaziirada Malta.
Barnaamijka Faaqidaadda todobaadkan oo dhamaystiran midigta sare ee boggan ka dhagayso.


