Raisalwasaaraha Soomaaliya Nuur Xassan Xuseen ayaa VOA kala qeybgalay Barnaamijyada Ciidda Carafo. Nuur Cadde  wuxuu barnaamijka ugu horeyn salaan munaasabada ku aadan hawada uga diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale ka hadlay suugaanta Soomaalida iyo nooca uu ka jecel yahay. Ugu danbeyntii Raisalwasaaruhu wxuuu ka hadlay Jaceylka iyo waliba waayihiisii jaceylka ee isagu uu soo maray.

Barnaamijkan gaarka ah ee Ciidda Carafa oo ay Daadihinayeen Cabdulcasiis X. Cismaan iyo Khadra Gery waxaa Dhinaca kalane ka qeyb galay Fanaaniinta Soomaalida  kuwa da’da yar ee Waqtiyadan sida weyn heesahooda loo dhageysto sida  Maxamed Xassan Xuseen (Lafoole), Fuad Cumar, Cabdi Jaamac Qaboojiye, Cawaale Adan, Amina Farax Wabar, C/fitaah Yare iyo Waliba majaajiliistaha Cabdi Haybe Laanbad.

Sidoo kale, Laanta Af-Soomaaliga VOA, Barnaamijka galabnimo  oo isna munaasada Ciidda Carafo loogu talagalay  oo ay daadihinayeen Caasha Cuud iyo Cali Xadhaadhe, waxaa  ka qeybgaley qaar ka tirsan fanaaniinta waaweyn ee Soomaalida  sida  Saado Cali, Maryan Mursal,  Cabdi Tahliil, shey Mire iyo Oday Cabdulle iyo waliba dhageystayaal salaamaha ciidda gudbinayay.

Halkan ka dhageyso labada Barnaamij ee VOA Ciidda ku maamuustay.