Waa qaybtii labaad barnaamijo gaar ah oo ay VOA-du ugu talagashay munaasabada sanadkan cusub ee 2009, iyo waliba kan hijriyada ee 1430-ka.

Barnaamijka oo uu soo diyaariyay Cabdulcasiis Xuseen Cismaan iyo Ibraahim Xasan Daanduray ayaa waxaa ugu horeeyn munaasabadan isa saaran dartood hambalyo iyo salaam ummadda Soomaaliyeed u diray madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo xilligan ku sugan Garoowe.

Barnaamijka waxa kale oo ka qayb-galaya galaya fanaaniin iyo majaajiliistayaal si weyn looga yaqaan Soomaaliya,  waxaana ka mid ah Faaduma Cabdullahi Kahin Maandeeq oo ku sugan Hargeysa, Cabdi-Nuur Allaale oo jooga Djibouti, Maki Xaaji Benaadir iyo Cabdi Maxamed Ilkacase oo labaduba ku sugan Muqdisho.

Dhagaysi wanaagasan.