Barnaamijka Cawayska Washington oo uu si joogto ah inoogu soo diyaariyo Cali Cabdi Xadhaadhe waxaanu todobaadkan ku soo qaadanaynaa:
Maanso Tahriibka ka hadlaysa oo uu inoo mariyo Cabdullaahi Axmed (Dhega-Qool) oo Holland jooga.
Maalinta Jacaylka Adduunka iyo sida loogu dabaal-dego iyo wiil Soomaali ah oo jacayl dartii isu gubay.
Cabdi Maxamed Cuud iyo waxyaabaha Muqdisho ku soo badanaya ee ka yaabiyay.
Iyo dhinicii fanka oo aanu caawa idiinku hayno Saalax Qaasim Naaji iyo wiilkiisa Axmed Saalax Qaasim. Dhagaysi wanaagsan.
Midigta sare ee boggan ka dhagayso Cawayska Washington.

