Barnaamijka Martida Makarafoonka waxaa toddobaadkan marti noogu ah madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, C/raxman Maxamed Faroole, oo muddo 10 bilood ah hayay jagada madaxweynanimo.
Xiisadda Gaalkacyo
Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, ee gallaaftay nolosha ugu yaraan 15 qof oo ka kala tirsan Galmudug iyo Puntland, aaney aheyn colaad u dhaxeysa labada maamul, balse ay horseedeen shakhsiyaad uu ku sifeeyey inay qeyru-masuul yihiin.
Xiritaanka Soomaalida Ethiopia
Madaxweyne Faroole ayaa si weyn u difaacay go’aanka uu maamulkiisu xabsiga ugu taxaabay Ethiopia-na uguna gudbiyey dad kasoo jeeda gobolka Soomaalida ee Ethiopia, wuxuuna sheegay in qeyb kamid ah dadkaas ay doonayaan inay jabhado ka aasaasaan maamulka Puntland.
Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale difaacay xarigga Suldaan C/casiis Afguduud, oo booliiska Puntland ay xireen toddobaadkii hore, kaddib markii uu wareysi siiyey idaacaddan VOA-da, isagoo wareysigaas ku cambaareeyey falkii lagu xiray dadka kasoo jeeda Kililka Shanaad.
Xorriyadda Saxaafadda
Mar la weydiiyey jawaabta uu maamulkiisu ka bixinayo eedeymo caalami ah, oo sheegaya in Puntland ay caburiso saxaafadda, Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in Puntland ay tahay meel ay saxaafaddu xor ka tahay.
Balse wuxuu sheegay in maamulkiisu aanuu u dulqaadan doonin suxufiga isku daya inuu khalkhal galiyo xorriyadda saxaafadda, waa sida uu yiriye.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka jawaabaya su’aalo la xiriira burcad-badeedda, iyo xiriirka Puntland kala dhaxeeya DKMG ah.
Midig-sare boggan ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran.



