Ra'iisal wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya, Cumar C/rashid Cali Sharma'arke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka mid ahaa madaxdii caalamka ee kasoo qayb galay shirwaynihii caalamiga ahaa ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Rome, shirkaas oo ay soo qabanqaabisay hayada cuntada iyo beeraha ee caalamka ee FAO. Waxaa kale oo uu ra'iisal wasaaraha Somalia uu kulamo la yeeshay ra'iisal wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi iyo madax sare oo ka tirsan dawladda Talyaaniga.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyey VOA-da, wuxuu sheegay in dowladdiisu ay hadda heysato ciidan ku filan, oo ay kula wareegi karto dhammaan gobollada dalka.
Balse wuxuu sheegay in dowladdu ay door-bideyso inay marka hore dhanka wada-xaajoodka kusoo loodiso kooxaha kasoo horjeeda.
Khilaafka Puntland
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay DKMG ah iyo maamul-goboleedka Puntland. Wuxuu sheegay inuusan khilaafkaas aheyn mid weyn, goor dhow-na laga gudbi doono.



