Markab u rarnaa ganacsato Soomali ah oo dhawaan ay afduubteen kooxo bur cad badeed ah ayaa soo gaaray dekedda magaalada Muqdisho.
Markabkaas oo lagu magacaabo Al-Misan islamakaana ay saaranyihiin shaqaale dhan 18 qof ayaa sida alaabooyin iskujira gaadiid iyo noocyada kaladuwan ee raashinka. Markabkan ayaa warar hore sheegeen inuu siday hub, balse ganacsatada iyo maamulka shirkada markabkaasi ayaa labaduba beeniyay in markabku hub siday.
Markabkan ayaa waxaa uu urarnaa labo shirkadood oo Somali ah oo lakala yiraahdo Jubba Trading iyo Muqdisho Star. Mas'uul u hadlay shirkadda Muqdishu Star oo lagu magacaabo C/risaaq Cali Warsame ayaa VOA u sheegay in wax dhibaato ah aan la gaarsiin shaqaalaha, wuxuuna ka gaabsaday in ay bixiyeen madax-furasha ay siiyeen kooxaha burcad-badeedda ah ee afduubay markabka Al-Misan.


