Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horaysay ka hadlay soo noqoshada Sheekh Xasan Daahir Aweys oo shalay magaalada Muqdisho ku soo laabtay.

Waraysi uu siiyay Idaacadda VOA ayaa waxaa uu Madaxweyne Shariifku tilmaamay ina sababta marka uu Sheekh Xasan ugu tagay Muqdisho ay ahayd amni xumo haatanna uu rajaynayo in Sheekh Xasan uu ka Shaqeeyo hagaajinta xaaladda amaanka .

Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay in dhaqaalaha beesha caalamku ugu yaboohday Soomaaliya loo adeegsan doono hagaajinta amaanka,waxaana uu cadeeyay in ay arrintaasi mas’uuliyad gaar ah saari doonto xukuumadiisa.

Waraysiga Madaxweynaha uu magaalada Brussels ku la yeesha Haaruun Macruuf oo dhamaystiran ka dhagayso midigta sare ee boggan .