Hogaamiyaha Mucaaradka Sh. Xassan Daahir Aways ayaa fariin digniin ah u diray labada dowladood ee Uganda iyo Burundi oo uu ku sheegay inay masuul ka yihiin dhiiga haatan ka daadanaya dalka Soomaaliay, wuxuuna ugu baaqay labada madaxweyne ee wadamadaasi in iyaga iyo ciidamadooda ka jooga Somalia ay kala bad-baadiyaan.

Sh. Xassan oo VOA wareysi siiyay ayaa beeniyay in soo noqoshadiisa Muqdisho ay wax xiriir ah ku leedahay dagaalada haatan socda, balse dagaalku uu ahaa mid socday oo  soo bilaabmay sanadkii 2006 kadib markii ay dalka soo galeen ciidamada ajanabiga ah.

Hogaamiyaha Mucaaradku wuxuu sheegay in ay jiraan ciidamo iyo saraakiil dhinaca dowlada ah oo ku soo biiray kooxaha Islaamiyiinta ee isaga uu hogaamiyo, taasina u ku sheegay inay ugu wacan tahay kadib markii ay fahmeen sida uu hadalka u dhigay amarada ay bixinayaan ciidamada Uganda ee ku saabsan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Sh. Daahir Aways wuxuu hoosta ka xariiqay in baaqyada wadahadalada ee ka imanaya dhinaca dowlada aysan ahayn kuwo sax ah, balse ay yihiin kuwo cadowgu uu ka danbeeyo, wuxuuna xusay inaysan marna ogolaan baaq kasta oo dhinaca dowlada ka yimaada.

Xassan Dahir wuxuu ugu danbayn xusay inaysan dagaalka joojin doonin ilaa ay helaan sida uu hadalka u dhigay xornimo oo ay Soomaalidu iyagu awood u helaan inay danahooda ka waraystaan.

Midigta sare ee boggan ka dhagayso Waraysiga Xassan Daahir Aways.