Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo ayaa sheegay in xisbigiisa iyo xisbiyada kale ee mucaaradkuba ay ka go’an tahay fulinta heshiiska lagu soo afjarayay muranka ka dhashay Doorashooyinka Somaliland.

Siilaanyo oo wareysi siiyay VOA ayaa sidoo kale ka waramay booqasho uu haatan ku joogo dalka Britain iyo kullamo uu maalintii shalay ahayd la yeeshay saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada arrimaha dibeda ee dalka Britain. Gudoomiye Siilaanyo wuxuu sheegay in xubnahaasi ay  uga warbixiyeen xaalada Somaliland iyo sidii ay dowlada Britain gacan uga geysan lahayd doorashooyinka Somaliland, kuwaasoo uu sheegay inay balanqaadeen inay taageeraan oo ay aad u danaynayaan doorashooyinka Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye mar uu ka hadlayay heshiiskii dhawaan ay gaadheen sadexda xisbi eek u aadan qaabka iyo xilliga ay dhacayso doorashooyinka Somaliland, wuxuu hoosta ka xariiqay in dhinacooda ay tanaasulaad fara badan sameeyeen, wuxuuna sheegay inay rajaynayaan in dhamaan dhinacyadu ay wada fuliyaan oo ay suuragaliyaan in doorashadu ay waqtigeedii ku dhacdo oo aanay dib u dhicin sidii muddo hore u dhacday.

Midigta sare ee boggan ka dhagayso wareysiga Gudoomiye Axmed Siilaanyo.