Dowladda Kenya ayaa si kulul uga jawaabtay hanjabaad kasoo yeertay ururka Al-Shabaab, taas oo aheyd in ururku uusan aqoonsaneyn soohdinta u dhaxeysa labada dal, kaddib markii ay halkaas baqa-carar uga gudbeen saraakiil ka tirsan Xizbul-Islam oo ka firxaday malleeshiyada Shabaab-ka oo qabsaday degmada Dhoobleey.

Masuuliyiin uu kamid yahay wasiirka gaashaandhigga ee Kenya, mudane Yusuf Xaaji, ayaa sheegay in dalkoodu uu iska caabbin doono malleeshiyada Shabaab-ka, wuxuuna hadalkaas kusoo beegmayaa iyadoo ay dowladda Kenya kumannaan ciidamadeeda ah dhoobtay soohdinta kala dhaxeysa Somalia.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay iska caabbin doonto haddii malleeshiyada Al-Shabaab ay kusoo xera-taraaraan soohdinta dalka Kenya. Hadalkaas wuxuu jawaab u yahay hanjabaaddii Shabaab-ka, oo ah aheyd inay u gooshi karaan dhanka Kenya, iyagoo ku raad-jooga masuuliyiinta Xizbul-Islam ee ku baqa-cararay gudaha dalka Kenya.