Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystaha waxaa todobaadkan marti ku ah oo su’aallaha dhagaystayaasha ka jawaabaya Madaxweynaha Maamul-goboleedka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llaahi Aadan (Tiiceey)

Dhagaystayaasha ayaa Madaxweyne Tiicey weydiinaya su’aallo ku tacaliqa maamulkiisa iyo qaabka uu u howlgalo. Maxamed C/llahi Tiiceey wuxuu sheegay in maamul-goboleedka Ximan iyo Xeeb oo la dhisay bishii April 2008-dii ay fikrada dhismihiisa lahaayeen dad ka soo jeeda deegaankaasi oo qurbaha ku nool kuwaas waqtigaasi gurmad ka geysanayay abaaro deegaankaasi ka jiray.

Madaxweyne Maxamed Aden Tiiceey, wuxuu sheegay in maamulkiisu intii uu dhisnaa uu ku guuleystay inuu wax weyn ka qabto adeegyo kala duwan  oo ay ugu muhiimsan tahay ammaanka deegaanada maamulka Ximan iyo Xeeb hoos yimaado.

Barnaamijka oo dhamaystiran qeybta hoose ama midigta sare ee boggan ka dhagayso.