Barnaamijka Wicitaanka dhagaytayaasha oo uu todobaadkan soo diyaariyay Cabdulcasiis Xuseen Cismaan ayaa waxaa marti ku ah ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi. 

Prof. Geeddi oo u taagan loolanka xilka madaxwaynenimo oo la filayo in uu maalmaha nagu soo socda ka dhaco magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka jawaabaya su’aalo badan oo la xiriira intii uu hayay xilka ra’iisul-wasaarenimo ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo hankiisa xilligan ee madaxwaynenimada. 

Dhagaysi wanaagsan.