Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystaha oo uu aalaaba soo diyaariyo Abdulaziz H Osman ayaa waxa maanta marti ku ah, jawaabaha dhagaystayaasha iyo VOA-dana ka jawaabaya Ku-xigeenka Afhayeenka Barlamaanka Kenya Mudane Faaraxa Macallin.
Faarax macallin waxa uu ka jawaabay su’aalo door ah oo khuseeya hadalkii dhawaan ka soo baxay dawladda Kenaya kuna sheegtay in ay faraglin doonto arimaha Soomaaliya.Guddoomiye ku-xigeenku waxa kale oo uu si ballaaran uga hadlay dagaallada ka jira Soomaaliya, iyo suura-galnimada in faragalin millatari lagu sameeyo Soomaaliya, si loo badbaadiyo xukuumadda oo uu ku sheegay mid dhamaystirtay, ama ku joogta wax walba oo looga fadhiyay.
Midigta sare ee boggan ka dhagayso Wicitaanka Dhagaysta

