Barnaamijka Hambalyadda iyo Heesaha ee todobaadkan waxaa marti ku ah oo dhamaan dhinaca heesaha ka qeyb galaya fanaanka caanka ah ee Maxamed Xasan Xuseen Lafoole oo ku sugan magaalada Nairobi.
Lafoole, wuxuu ku luuqeynayaa ilaa 8 heesood oo ka mid ah heesaha faraha badan ee uu ku luuqeeyo.
Fanaankan Lafoole waxaan sidoo kale ka wareysanaynaa taariiq faneedkiisa iyo waqtigii uu fanka soo galay iyo waliba kaalinta fanaaniinta qurbaha ee fanka Soomaalida.
Barnaamijka oo dhamaystiran midigta sare ee boggan ka dhagayso.

