Barnaamijka ee Martida Makrafoonka ee todobaadkan waxaa marti u ah Mustafe Xaaji Cabdinuur oo ah Suxufi Soomaaliyeed oo ku guulaystay Abaalmarinta caaalaimiga ah ee uu bixiyo ururka u dooda xuquuqda saxaafadda caalamka ee CPJ.

Abaalmarintan ayuu ku mutaystay sawirrada  wararka Soomaaliaya oo qaar ka mid ah wakaaladaha caalamka uu u soo gudbiyay kuwaasi oo si fiican uga warbixinayay xaaladda Soomaaliya iyo dhacdooyinkii u dambeeyay

Wariye Mustafe Xaaji ayaa todobaadkan booqasho ku jooga dalka Maraykanka iyada oo Munaasabadda guddoonisiinta abaalmarintuna ay sanad walba ka dhacdo magaalada New York,