Barnaamijka waxaa marti inoogu ah  Maxmuud Faarax Cigaal Guddooomiyaha Xarunta islaamiga ah ee Iriving oo ku taalla agaagarka magaalada Dallas ee Gobolka Texas.

Xaruntan ayaa waxay ku taalla dhul baaxaddisu ay aad u weyntahay , waxaana ay ka koobantahay Masaajid weyn iyo dugsi lagu barto culuumta islmaaka oo ilaa heer dugsi sare ah .

Dhismaha Xaruuntan ayaa waxaa ku baxaday lacag  gaadhasya 6 millyan oo doolar, waxaa xusid mudan in magaalada Dallas iyo agagaarkeeda ay ku yallaan 39  masaajid iyo xaruumo islaami ah, oo dhamaantood ku fadhiya dhul ay baaxadiisu weyntahay .

Guddoomiyaha Xaruunta Islaamiga ah ee Irving Maxamuud Faarax Cigaal ayaa kaga waramaya Barnaamijka hawalaha iyo nolosha muslimiinta ku dhaqan magaalada Dallas iyo nawaaxigeeda waxaanan ugu horrayn weydiiyay sida ay ku timid fikradda dhismaha xaruunta Isaalimga ah ee deegaan Irving.