Barnaamijka Martida Makrafoonka waxa tododobaadkan noogu martiya ku simaha kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka Phillip Carter.Harun Macruuf ayaa kaaliyaha ku soo waraystay Brusseles, isaga oo halkaa uga qayb-galay shirkii deeq-bixiyayaasha.
Kaaliye Carter waxa uu ka hadlayaa siyaasadda dawladda madaxwayne Obama ee Soomaaliya, arimaha burcad-badeedda, argagixisda iyo guud ahaan sida uu dhaqaalaha loogu yaboohay soo celinta ammaanka Soomaaliya, ee ay soo jeedisay dawladda Sheekh Shariif saamayn ugu yeelan karo waaqica Soomaaliya.
Waraysiga waxaa tarjumay soona jeedinaya Cabdusalam M Jama, waxaadna ka dhagaysan kartaan midigta sare ee boggan.

