VOANews.com

blank

About VOA | Nala soo xiriir

  • Isniin, 28 May 2012
    • Caalin: Xagjiriin Ayaa ka Qeybgalaya Shirka Istanbul
    • Madasha Dastuurka: M. Goboleedyada iyo Kheyraadka
    • Xaaladda Afgooye (Sawirro)
    • Somaliland oo ka Qeyb galaysa Shirka Istambul
    • Puntland iyo Galmudug oo Diiday Shirka Istanbul
  • Wararka
  • Barnaamijyada
  • Maqal iyo Muuqaallo
  • Ku saabsan VOA
Live Streams: Toos u dhageyso
  • Wararka
  • | Soomaaliya

Soomaaliya RSS Feeds RSS

 Jimco, 25 November 2011

Xogta Macluusha Geeska Afrika

VOA Somali | Washington, DC

  • E-mail
  • Daabaco

Soomaaliya waxay sannaddaha badankood la kulantaa laba xilli roobeed oo kala duwan kuwaasoo kala ah xilliga gu'ga iyo xilliga dayrta oo ah xilliga uu roobka badani da'o. In kastoo xilliyadani isbeddel ku dhaco sannadada qaarkood laakiin hadana waa kuwo ilaa xad la saadaallin karo. Falaarta ku aadi sannad walba si aad u aragtid celcelis ahaan hannaanka xilli roobeedyada.

  • 2006
  • 2007
  • 2008
  • 2009

Laakiin sannadkii hore, roobkii xilliga dayrta ayaan ka di'in koonfurta Soomaaliya oo ah dhulka ugu wax-soosaarka badan ee Soomaaliya

  • 2010
  • 2011

Markii dalagyadii ay soo bixi waayeen, waxaa kordhay qiimaha cuntada, gaar ahaan wax-soosaarka aas-aasiga ah sida galeyda, masagada iyo digirta. Sidoo kale qiimaha badeecadda caalamka ayaa mar horeba qaali ahaa oo is-bedbeddalayay. Qiimaha cuntada ayaa kor u kacay sannaddadii 2007-2008 oo aan wali dib ugu noqon heerkii uu ahaa ka hor 2007-dii markii dhibaatada abaartu ay ku dhufatay Soomaaliya

Sidoo kale Abaarta ayaa qiimaha lo'da hoos u riday iyadoo xoolaha la dhaqdo laga soo buuxiyay suuqyada. Biyaha iyo qaraabashada oo yar darteed ayaa xoola dhaqatada waxaa qasab ku noqotay inay xoollahooda iibiyaan intii ay goor danbe xoolahooda waayi lahaayeen.

Shaxdan hoose waxaad ku arkaysaa qiimaha celcelis ahaan 12 badeeco oo kale duwan oo laga helo 22 magaalo oo ku yaalla Soomaaliya.

  • 2010
  • 2011
  • << >>
    Showing average values of all sampled markets.

You can explore prices by city below. Cities to the south saw far greater prices increases to cities in the north.

Abaaraha iyo dallagyada aan soo go'in ayaan ahayn wax u gaar ah Soomaaliya, laakiin arrimo kale oo ay ka mid yihiiin colaadda ayaa dalka ka dhigay mid awoodi waayay inuu wax ka qabto dhibaatooyinkan, waxaana taasi ugu wacan iyadoo Soomaaliya ay ka jirto dowlad dhexe oo tabaryar iyo kooxda al-Shabaab oo ka taliso qeybo ka tirsan dalka, iyadoo hal dhibaato kaliya oo dalka la soo daristaa ay u keeni karto masiibo.

Meelaha aan roobabku ka di'in ee qiimaha maciishaduna ay kor u kaceen ayaa waxay dhibanayaasha ka dhigtay kuwo macluushu ay haleesho, waxaana goobahan lagu arkaa barakacan baaxad weyn oo ay dadku sameynayaan.

Abaarta noocan ah, cunto yarida iyo ugu danbeyn macluusha ayaa ku faaftay gobolka in kabadan 20 sannadood. Shaxdan hoose waxaad ku arki kartaa tirada qaxootiga Soomaalida tan iyo 1987-kii.

Sannadkan ayaa u muuqda inuu yahay kii ugu xumaa ee Soomaaliya soo mara tan iyo 1992-kii.

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee Waqooyi-bari Kenya ayaa haatan waxaa ku jira in ka badan afar jeer dadkii markii hore loogu talagalay inay xeradu qaado. Sida ay sheegayso Qaramada Midoobay ku dhawaad 1,500 oo qaxooti cusub oo Soomaali ah ayaa maalin kasta u gudba dalka Kenya

Qeybtan hoose waxay muujinaysa shax ku saabsan sida dadka ku nool caalamku ay website-ka Google uga baadheen erayada "Somalia" iyo "Macluul." Caalamka ayaa si weyn u xiiseynayay wararka macluusha ku saabsan, kaddib markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday in Macluul ka jirto gobolka, balse xiisahaasi ayaa dhawaanahan hoos u dhacay.

The camps continue to fill.

Qeybtan hoose waxaad ka helaysaa wararka ku saabsan abaaraha geeska Afrika.

Bilowga Abaaraha
Kororka Qiimaha Cuntada
Macluusha
Wararka Abaaraha

Qiimeynta Roobka / Juba Dhexe

  • 2010
  • 2009
Click on a rainfall icon for more details.
Click on a market icon for more details.

Qiyaasta ka soo baxday Qiimeeyn lagu sameeyay cunto- yarida.

  • Mashaakilaad
  • Xaalad deg deg ah
  • Masiibo / Macluul
  • Xaalad Wel-welsan

Dhamaan xuduuduhu waa qiyaas .

Akhbaaraadka ugu danbeeyay hadaad doonayso, fadlan booqo:

  • FEWS USAID Somalia report
  • USAID Horn of Africa

Shaxahan ayaa muujinaya celcelis ahaan qiimaha baddeecooyinka laga soo bilaabo 2002-2011. Dhamaan suuqyadu ma hayaan dhamaan badeecooyinkaasi.

  • Caanaha Geella
  • Digirta
  • Saliidda Khudaarta
  • Biyaha
  • Naaftada
  • Baasiinka
  • Bariiska Cas ee dibedda laga keeno
  • Masagada Gaduudan
  • Galeyda Cad
  • Masagada Cad
  • Lo'da
  • Ariga
  • Guji Shaxda Suuqyada - si aad u kala saarto

Guji Shaxda Suuqyada – si aad u kala saarto

Fiira Gaar ah : Shaxahan waxay u taagan yihiin naqshada jihooyinka, uma dhigmaan qiimaha u dhaxeeya waxyaahaba kala duwan ee la soo saaro.

Isha

  • Qiimeynta Macluumaadka dhabta ah ee Roobka da’ay ayaa lagu ogaaday baaris dhinaca dhulka ah oo ay sameysay U.S. Geological Survey
  • Qiimaha badeecooyinka dhabta ah ee cunada waxaa gacan ka geystey Hay'adda FSNAU - Somalia
  • Warbixinta Macluusha waxaa gacan ka geystey hay'adda USAID iyo ururka FEWS-NET oo ah nidaam ka sii diga Macluusha.
  • Waxaa Barjnaamijka diyaariyay Edin (Dino) Beslagic
 
  • E-mail
  • Daabaco
VOANews.com
  • Wararka VOA-da
  • Wararka
  • Barnaamijyada
  • Maqal iyo Muuqaallo
  • Ku saabsan VOA
  • Kaydka
  • Adeegyada bogga Internet-ka
  • Podcasts
  • RSS
  • War-Elektronik
  • Mobile
  • Ku saabsan voanews.com
  • Weydiin Ogaal
  • Isticmaalka iyo Badbaadinta Xogta
  • BBG
  • Link to Us
  • Nala soo xiriir