Ciidamada Midawga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaalia, ayaa sheegay in Budhacd-badeed Soomaaliyeed ay weerar ku qaadan Markabka Maersk Alabama oo ah markab Maraykan ah  ay hore u afduubteen Budhacdeedu sanaddkan.

Warsaxaafadeed ay ciidamada Midawga Yurub maanta oo arabaca ah soo saareen  ayay ku sheegeen in Budhacad-badeeddu ay rasaas ku rideen markabka oo marayay meel 650 Kilomitir u jirta xeebaha Soomaalia.

Weerarkan oo dhacay Salaasadii shalay ayaa wararku sheegayaan in ciidamo ilaala ah oo saaran marakabku ay ka jawaabeen rasaastii budhcad-badeedda.

Markabkan ayaa 8dii bishii April ay afduubteen Budhcad-badeed Soomaliyeed, iyada oo markii dambe ay budhcaddu madax furasho u haysteen Kaptankii marakbaka  Richard Phillips oo ah nin maraykan ah.

Ciidamada Maraykanka ayaa ku guulaystay in ay soo furtaan Kabtankaasi iyaga oo dilay 3 budhacd-badeed ah .

Weerarka markabka Maersk Alabama ayaa ku soo beegantay maalin uun ka dib markii budhcadbadeed soomaali ah ay sii daayeen markab laga lahaa dalka Spain oo ay haysteen ku dhawaad 6 todobaad.