Laba nin oo Soomaali ah ayaa maanta oo isniin ah waqti kooban afduubay diyaarad ay leedahay Shirkada Daallo kadib markii ay ka duushay magaalada Bossaaso kuna sii jeeday Djibouti.
Labadaasi nin oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa 15 daqiiqo kadib markii ay diyaaradu hawada gashay ku amray rakaabkii diyaarada inay diyaarada afduubeen. labadaasi nin inkasta oo aysan u suurogalin inay gelaan qolka kaptanada diyaarada ayaa waxay ku qasbeen mid ka mid shaqaalihii diyaarada in diyaarada lagu dajiyo Laas-Qoray.
Khadra Cali Xirsi, oo ka mid ahayd rakaabkii diyaaradaasi ayaa VOA uga warantay dhacdadaasi. Khadra waxay sheegtay in labadaasi nin ee hubeysnaa ay ilaa dhowr xabo oo rasaas ah rideen. Khadra Cali waxay sheegtay in afduubayaashu ay u sheegeen rakaabkii diyaarada inay doonayaan oo kaliya laba nin oo cadaan ahaa oo ka mid ahaa rakaabka diyaaradaas,balse diyaaradaasi ay goor danbe dib u fadhiisatay garoonka diyaaradaha ee Bossaso.
Ciidamada Ammaanka ee Bosaaso ayaa markii diyaaradu soo fadhiisatay waxay xoog ku galeen diyaaradaasi, iyagoo dhaawacay mid ka mid ah afduubayaasha. Gudoomiyaha gobolka Bari Muuse Geelle Yusuf ayaa VOA u sheegay in haatan ay socoto baadhitaan la xiriira sababta afduubkaasi u dhacay.
Wareysiyada gabadha rakaabka iyo gudoomiyaha gobolka midigta sare ee boggan ka dhagayso.

















