Xaflad xil wareejin ah ayaa maanta lagu qabtay magaaladaasi, taasi oo ay ka soo qaybgaleen qaar ka tirsan madaxda siyaasadda ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland. Guddoomiyaha guddiga cusub ee doorashooyinka oo ka hadlayey munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegay inay guddigiisan guddoomeen lacago ka mid ahaa kuwa loogu talogalay qabashada doorashooyinka.
Waxaa kale oo ay la wareegeen lacago ka badan 1 milyan oo doollar, qalab iyo dhammaan dokumentiyada uu ku shaqaynayey guddiga hore ee doorashada oo iyagu dhowaan is wada casilay.
Dhinaca kalena, guddiga cusub ee doorashooyinku waxay iska fogeeyeen inay dhabarka u ritaan oo ay la wareegeen lacago amaah ah oo lagu lahaa guddigii hore ee doorashooyinka. Lacagahaasi ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa nus malyuun doollar. Ilaa hadda lama oga sida iyo cidda lacagtaasi ku baxday.
Dhinaca kore ee midigta ka dhagayso warbixinta ay magaalada Hargaysa nooga soo dirtay Sahra Ciidle Nuur.

















