Guddiga doorashooyinka somaliland aya maanta si rasmi ah u doortay gudoomiye iyo ku-xigeenkiisa, Waxaana Gudoomiyaha loo doortay Ciise Yuusuf Maxamed halk ay gudoomiye ku xigeena u doorteen Cali Khadar Xasan Cismaan.

Gudoomiyaha cusub ayaa isla maanta u magacaabay Raabi Shariif Cabdi in uu noqdo gudoomiyaha hawlaha diiwaan galinta isagoo ku xigeena u magacabay in uu noqdo C/fataax Ibrahim Xasan.

Guddigan cusub oo todobaadkii hore loo dhaariyay xilka ayay talaabadan ay hogaanka ku doorteen noqonaysa tii ugu horaysay ee ay qaadaan tan iyo intii xilka loo magacaabay, balse ilaa hada si rasmi ah xafiisyada ugalamay wareegin gudigii ka horaysay ee horantii bishii hore is wada casishay.iyado daahistaana lal xidhiidhinayo inaan wali la isku waafaqin qabka loola kala wareegayo hantida gudiga doorashooyinka oo sida la sheegay ay ku jirto nus malyuun dollar oo lacago dayn ahaa oo lagu lahaa guddigii hore balse ay gudigan cusubi ka fiirsanayso la wareegista dayntaasi.
 
Si kastoo ay tahayba guddigan cusub ee xilka doorashooyink Somaliland loo igmaday ayay u taalaa hawlo badan oo uu ugu horeeyo dib u sixida servar-ka natiijadii diiwangalintu ku kayd san tahay iyo inay cayimaan muddada ugu macquulsan ee ay doorasho ku dhici karto Somaliland.