Magaalada Machakos eek u taalla Batiga magaalada Nayroobi ayaa maanta lagu soo gabagabaynayaa siminnaar ay  lahaayeen 35 suxufiyiin u dhashay dalka Keenya  oo looga hadlayay sida warbaahintu wax uga tebiso dadka naafada ah. Kulankan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda caalamigaa ah ee Handicap International ayaa mowduuca gundhigga u ah uu yahay sida ugu dheellitiran ee ay saxaafaddu aaladaha warbahainta uga qaybgeliso dadka naafadaha ah, dadkaais ha ahaadaan kuwa laxaadka la' ama kuwa qaba cudurka HIV/AIDS.

Shirkaasi waxaa ka qaybgalaya laba ka mid ah suxfiyiinta Soomaalida ah ee Kenya, waxaana ka mid ah Daa’uud Sheekh Yuusuf oo ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters. Khadka telefoonka ee Machakos ayaa Haaruun Macruuf uu ku weydiiyey in saxaafaddu sidii laa rabay aaladaha warbaahinta uga qaybgeliso dadka naafada ah.

Waraysigan ka dhagayso dhinaca midig ee kore