Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Axmed ayaa sheegay inuu rajanayo nabadgelyo iyo xasillooni in Soomaaliya ay ku soo noqon karto.

Hadalkaasina waxa uu ka mid ahaa khudbad uu jeediyey munaasabadda Ciidda. Dhinaca kalena hoggaamiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa mar kale ku baaqay in la joojiyo colaadda Jubadda Hoose, hadalkaasi oo imanaya xilli ay ururka Al-Shabab qarka ula saaran yihiin inay qabsadaan gebi ahaanba gobolka Jubbada Hoose.

Ururka Al-Shabab mas’uuliyiin ka tirsan ayaa iyaguna ka hadlay munaasabadda Ciiddal Adxa. Warbixintan faahfaahsan waxaa noo diyaariyey Cabdullaahi Nuur Maxamed Kolombo.

Dhinaca kore ee midigta ka dhagayso warbixinta