Dadka naafada ah ee ka tirsanaan jiray ciidankii xoogga dalka Somalia ee ku nool cisbitalka Martini ayaa maanta la gaarsiiyay deeq iskugu jirta raashin iyo xoolo nool.

Deeqdan oo ay soo gaarsiiyeen xubno ka socday golaha abwaanada Soomaliyeed waxaa ugu horeen ka hadlay abwaan Cismaan C/laahi Guure oo sheegay in aan la hilmaami Karin dadka naafada ee ucuuryaamay qaranimada dalka Soomaliya 

Mid ka mid ah naafada ku nool Cusbitaalkaasi oo lagu magacaabo Cabdi Mahad Cali ayaa ka mahadceliyay deeqaha la gaarsiiyay.

Abshir Nuur Faarax oo ah gudoonka golaha abwaanada Soomaliyed ayaa ka codsaday dadka wax haysta in ay ugar gaaran dadka dhibaatesan, gaar ahaan kuwa ku jira Cusbitaalka Martiini.

Cisbitaalka Martini waxaa in mudda ah ku jira dad naafo ah kuna wax yeelobay dagaaladii dhaxmaray dalalka Ethopiya iyo Somaliya waxay inta badan ku nool yihiin kaalmo ay ka helaan dadka qurba jogta ah mana jiraan cid si jogto ah ay ugu tiirsan yihiin waxaana intaa u dheer in dhawaan ay ka dhinteen in kabadan 12 qof oo naafo ahaa kadib markii uu ku dhacay dhowr madfac.

Warbixinta deeqa Cusbitaalka Martiini midigta sare ee boggan ka dhagayso.