Maamul goboleedka Puntland ayaa si kulul u cambaareeyey dilalkii habeenimadii Arbacada ka kala dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Dilalkaasi ayaa lala beegsaday guddoomiyihii maxkamadda darajada koobaad iyo mudane ka tirsan barlamaanka Puntland. Maamulka ayaa sheegay in dilalkaas ay u soo qabteen dad looga shakisan yahay iny ku lug lahaayeen falalkaasi dilka.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Puntland C/shakuur Mire Aadan oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in maamulkoodu uu si weyn uga xun yahay dhacdooyinkaasi. C/shakuur wuxuu ka gaabsaday inuu sheego in dilalkaasi isla xiriireen iyo in kale, balse wuxuu sheegay in ciidamada ammaanku ay baadhitaanka arrimahasi ku wadaan.

Wareysiga C/shakuur Mire midigta sare ee boggan ka dhagayso.