C/Shakuur Mire Adan Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta ee maamul-goboleedka Puntland ayaa VOA wareysi uu siiyay uga warbixiyay go’aanka Puntland ay xayiraada uga qaadey VOA.
C/Shakuur Mire wuxuu sheegay in go’aankan uu yimid kadib xiriiro maamulka Puntland uu la sameeyay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi iyo VOA-da. Wasiir-ku-xigeenku wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne C/raxmaan Faroole uu ogolaaday dib-u-howlgalida Idaacadda VOA isagoo taasna ku sharfaya safiirka Mareykanka ee Nairobi.
Maamul-goboleedka Puntland ayaa todobaadkii hore soo saaray go’aan ay shaqadii uga joojiyeen weriyayaasha VOA ee Puntland, go’aankaasi ayaa sidoo kale saameeyey barnaamijyada VOA ee ay gubiyaan Idaacadaha Maxaliga ee Puntland. Wasiir-kuxigeenka Warfaafinta Puntland Cabdishakuur Mire ayaa ku macneeyey sababta ay Puntland shaqada uga joojisay weriyayasha VOA inay ugu wacnayd kadib markii Laanta Af-Soomaaliga ee VOA ay wareysi la yeelatay Wadaad sheegay inuu yahay wakiilka Ahlu-Sunnah Wal-Jamaacah ee Puntland. C/Shakuur Mire Aadan wuxuu sheegay wareysigaasina uu ahaa been abuur isla markaana deegaanada Puntland aanay ka jirin urur diimeedyo.
Hay’adaha Saxaafadda u dooda ayaa canbaareeyey shaqo-joojinta ay Puntland ku soo rogtay weriyayaasha VOA.
Wareysiga Wasiir-ku-xigeenka C/Shakuur Mire qeybta hoose ama midigta sare ee boggan ka dhagayso.
















