Ninkaasi ayaa ka mid ahaa lix nin oo lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin ururka Al-Qaacida.

Lixdaasi nin ayaa 29-kii bishii aynu soo dhaafnay laga qabtay magaalada Mokha ee gobolka Ticis. Ninkaasi oo lagu magacabao Nuur Cumar Warsame ayaa la sheegay inuu imtixaan jaamacadeed u fadhiisin doono toddobaadka dambe.
Ninkaasi ayaa markii la qabtay ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Yemen ay ku eedeeysay inuu xiriir la leeyahay ururka Al-Qaacida. Ilaa hadda lama oga goorta la sii dyan doono shanta kale ee weli xiran.

Ku xigeenka Qunsulka safaaradda Soomaalida ee magaalada Cadan, Xuseen Xaaji Axmed ayaa idaacadda VOA u sheegay inuu ku rajo weyn yahay in la sii dayn doono shanta qof ee kale ee weli xiran.