Barnaamijka Amuuraha Islaamka, waxaan toddobaadkan kusoo qaadaneynaa dhacdooyin waaweyn oo caalamka islaamka ka dhacay sanadkii 1979-kii, kuwaas oo la rumeysan yahay inay bud-dhig u noqdeen fikradaha mayalka adag.

Afkaarta qallafsan ee waayadan dambe ku fiday dacallada caalamka Islaamka intiisa badan, waxaa raadkooda lagu sheegay saddex dhacdo oo waaweyn, oo dhammaantood ka qarxay caalamka Islaamka, sanadkii 1979-kii, muddo hadda 30 sano laga joogo.

Kacaankii Iran

Sanadkaas ayay aheyd markii uu dhashay Kaacaankii Islaamiga ahaa ee dalka Iran, ee uu gar-wadeenka ka ahaa wadaadka la yiraahdo Ayatullah Ruxullah Khumeini. Malaayiin qof oo reer Iran ah, ayaa markii ay u caal-waayeen badraanka Shaahii Iran, waxay hiil iyo hoo-ba kusoo dhaweeyeen imam Khumeini, waxayse taasi dhidibbada u aastay dowladdii ugu horreysay ee Islaami ah, ee ka hanaqaada caalamka Islaamka, tan iyo markii ay burburtay khilaafadii Cuthmaaniyiinta, sanadkii 1923-kii.

Qabsashadii Afghanistan

Sidoo kale, kumannaan kun oo ka tirsan ciidankii xoogga badnaa ee Midowgii Sovieti, ayaa sanadkii 1979-dii xoog ku qabsaday dalka Afghanistan, iskuna dayay inay sandulleeyaan muqaawamadii ka hortimid. Falkaasina wuxuu horseeday hanaqaadkii Jihad-ka casriga ah, kaas oo waliba ahaa mid ay Reer Galbeedku barigaas raalli iyo nus ka ahaayeen.

Weerarkii Kacbada

Dhacdada saddexaadna waxay aheyd markii malleeshiyo Shiico u badan ay Kacbada barakeysan xoog ku qabsadeen, iyagoo laba toddobaad oo ay halkaas heysteenna ku laayey dhowr boqol oo qof. Boqortooyada Sucuudiga, oo falkaasi uu waaga ku dillaaciyey, ayaa ku fashilantay inay malleeshiyadaas Kacbada ka saarto, waxaana la rumeysan yahay in kumandos Faransiis ah, oo shahaadada si degdeg ah loogu laqinay, inay markii dambe xeelad iyo xoog ku saareen malleeshiyadii soo duushay.

Dr. Xirsi Max’ed Hilowle, wuxuu daraasaadka Islaamiga ah ka dhigaa Jaamacadda Islaamiga Caalamiga ah ee dalka Malaysia.
Profesor Hilowle wuxuu ku doodayaa in falkii argagixisada ahaa eeKacbada barakeysan ka dhacay, inuu boqortooyada Sucuudiga ku dhaliyey inay ka baaraan-degto dal kale oo ay ku mashquuliso dhallinyarada xeyraansan ee la burursan afkaarta Jihaadiga ah. Markii uu Midowgii Sovieti qabsaday Afghanistan, Professor Hilowle wuxuu leeyahay waxay taasi Sucuudiga u noqotay fursad ay Jihad-ka ku dhoofiyaan. Intaas waxaa dheer in Reer Galbeedkuna ay Jihad-kaas la dhacsanaayeen, iyagoo waagaas ugu darnaanayey Midowgii Sovieti, sida uu qabo professor Hilowle.

Anwar Sadat

Dalalka u adeegayay danaha Reer Galbeedka waxaa kamid ah dalka Masar, oo uu xilligaas madaxweyne ka ahaa Anwar Sadat. Madaxweyne Sadat, wuxuu isla sanadkii 1979-kii heshiis buuxa la saxiixday dalka Israel, oo markaas ay col la ahaayeen dhammaan dalalka Carabta, iyo inta badan kuwa Islaamka.

Heshiiskaas wuxuu ka careysiiyey Islaamiyiintii Masar, oo iyagu xilligaas ku baheysnaa dhaqdhaqaaqii Akhwanul-Muslimiin-ka. Islaamiyiintaas, oo taageero ka helaya kacaanka cusub ee Islaamiga ah ee dalka Iran, ayaa ugu dambeyntii toogasho ku dilay madaxweyne Sadat, sanadkii 1981-kii.
Professor Xirsi Max’ed Weheliye wuxuu qabaa in Reer Galbeedku ay lug weyn ku leeyihiin askumidda afkaarta xagjirka ah ee ka hanaqaaday caalamka Islaamka, maxaa yeelay waxay taageero aan hagar laheyn siiyeen dowlado cabburiya shacabka, gaar ahaan axsaabtii Islaamiga aheyd.

Si kastaba ha ahaatee, saameynta ay falalkii 1979-kii ku yeesheen caalamka Islaamka, waa kuwo dhabbaha u xaaray mowjadaha caradu ku laran tahay ee la burqanaya dareenka Islaamiga ah ee hareeyey guud ahaan caalamka Islaamka, 30-kii sano ee laso dhaafay.