Dacwad-oogaha Maxkamadda Qaadista Dambiyada Caalamiga ah ayaa sheegay inaysna u bannaanayn baadhitaan uu ku sameeyo xadgudubyada xuquuqda aadana ee ka dhacay Soomaaliya.
Luis Moreno Ocampo oo Wareysi qaas ah siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in maadaama aysan Somalia xubin ka ahayn Waddamadda saxiixay Maxkamadda Calamiag ah in looga baahah yahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu ka yimaado dalabka haddii baadhitana lagu samaynayo Somalia
Dacwad-ooguhu wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay dambiyada ka dhacay Somalia, laakiin aanu sharcigu u ogoleyn inuu faragalin sameeyo, balse haddii la doonayo inaan faralin sameeyo waa inuu ayuu yiri Qaramada Midoobay ogolaansho bixisaa.
Mr Luis oo haatan ku sugan dalka Koonfur Afrika waxaa uu ka soo laabtay dalka Kenya oo uu kula kulmay Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi isgaoo doonaya in Maxkamadda Calamaiga ah ay u oggolaato baadhitaano lagu sameyeo da,mbiyadii dalkaasi ka dhacay sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2008 markaasoo qalalaase ka dhashay muranka doorashooyinka ay ku dhinteen in ka badan 1000 qof.
Wareysiga Luis Moreno midigta sare ee boggan ka dhagayso.
















