Dagaallada sokeeye ee ka soconaya ayaa la aamisan yahay inay aafaada ugu weyn u gaysteen dhalinyarada maanta. Malaayiin dhalinyaro ah ayaa qaarkood ay ku waayeen waxbarshadii iyo adeegyadii ijtimaaciga ahaa ee noloshooda daruuriga u ahayd. Sidoo kale kumanaan dhalinyaro ah ayaa ku biiray dagaallada si toos ahna uga qaybqaadanayey 20-kii sano ee la soo dhaafay, halka boqollaal kun oo kale ay dibedda uga qaxeen Soomaaliya.
Idaacaddan VOA ayaa idiinku talogashay barnaamijyo taxane ah oo cusub oo ka hadlaya qaabka waxbarashada, nolol iyo maskax ahaaneed ee ay dagaalladu u saameeyeen dhalinyarada.
Dhinaca hoose ee boggan ka dhagayso barnaamijyadii ugu dambeeyey ee ka hadlaya mowduucan
Qaybtii u dambaysay ee taxanihii Dhalinyarada iyo Dagaalada, waxaa marti u ah Idiris Yuusuf oo khabiir ku ah arrimaha dhalinyarada.
Xubintan waxaan todobaadkan ku soo qaadanaynaa qisooyinka ugu waa weynaa ee barnaamijyadii baxay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.
Sanad ka hor ayaa ururka Al Shabaab ay 4 dhalinyaro ah gacmaha iyo lugaha jareen, arrintaasi ayaan ku eegaynaa barnaamijka dhalinyarada.
Todobaadkan waxaan uga hadlaynaa dhoofka. Dhalinyaro badan ayaa dibedda u dhoofay, iyadoo kuwo kale ay doorbideen inaysan dalka ka bixin
Barnaamijkan todobaadkan waxaan idinku haynaa Qaadka iyo dhibaatooyinka uu ku reebo dhalinyarada.
Hal-abuurka iyo dhalinyarada waa mowduuca aynu ku soo qaadanayno barnaamijka Dhalinyarada Maanta iyo Dagaallada qaybtiisa 20aad.
Barnaamijka Dhalinyarada Maanta iyo Dagaallada waxa uu ku saabsan yahay u ololaynta arrimaha dhalinyarada, suugaanta iyo waddanimada.
Waalidiinta Soomaalida ah ee keligood carruurta ku koriya qurbaha waxaa ka mid ah kuwo badan oo dhalinyaro ah.
Axmed Jaamac Jawle waxa uu shan sano ka hor hindisay shirkad ganacsi haatan oo hantideedu u dhiganto boqollaal kun oo doollar.
Haddii ay dhalinyarada doonayaan inay isbeddel muuqda ka sameeyaan dalka waa lagama maarmaan in dhalinyaradu siyaadda ka qaybqaataan.
Barnaamijka Dhalinyarada iyo Dagaallada waxaan ku soo qaadanaynaa mid ka mid ah asaasayaasha ururka I Tus Haween Wax Qabsanaya, Missouri
Barnaamijka Dhalinyarada ee todobaadkan waxaa looga hadlayaa dhalinyarada iyo hogaaminta.
Barnaamijka todobaadkan waxaa lagu eegi doonaa siyaabaha waalidku ula socon karo baraha Internetka ee ay dhalinyaradu booqato.
Barnaamijkeena dhalinyarada iyo dagaallada waxaan todobaadkan ku eegaynaa isticmaalka internet-ka iyo tiknoolajiyadda casriga ah
Barnaamijka Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya ee toddobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa adeegsiga baraha internetka.
Barnaamijkan Dhalinyarada iyo Dagaallada waxa uu ku saabsan yahay waayo-aragnimada laba dhalinyaro oo kala jooga Muqdishu iyo London.
Todobaadkan Dhalinyarada & Dagaallada waxaan ku soo qaadanaynaa sheekada nin dhalinyar ah oo aan magaciisa ku koobnay "Max'ed Deeq"
Barnaamijka Dhalinyarada & Dagaallada Soomaaliya taxanaha 8-aad ee toddobaadkan waxa uu toddobaadkan ka imanayaa magaalada Minneapolis.
Barnaamijka Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya ee toddobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa dood dhexmartay ardayda gobolka Ohio.
Barnaamijka Dhalinyarada & Dagaallada waxaan ku soo qaadanaynaa fikradaha gabdhaha dhalinyarada ah iyo amarrada labiska.
Barnaamijka Dhalinyarada Maanta iyo Dagaallada Soomaaliya waxan ku soo qaadanaynaa dood dhexmartay dhalinyarada ku nool dalka Biritan.
Barnaamijka afraad ee taxanaha Dhalinyarada & Dagaallada waxaan ku soo qaadanayaa sheekada wiil 17 jir ah oo lix jeer dhaawacmay.
Kusoo dhowaada barnaamijkii saddexaad ee taxanaha Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya.
Saddexdii bishan Diisambar ayey ahayd markii qaraxa ismiidaaminta ah uu ka dhacay Huteelka Shamo ee magaalada Muqdishu.
Waa barnaamijyo taxane ah oo VOA idiin soo tabinayso, kuwaasoo ka hadlaya xaalladaha kala duwan ee dhalinyarada maanta.