blank

About VOA | Nala soo xiriir

Warbixinnada gaarka ah - Hab nololleedka

Waa barnaamijyo ka kooban shan qeybood oo ka hadlaya nolosha iyo waayaha ay la kulmaan hablaha Soomaaliyeed. Barnaamijyadan qodobada ay ka hadlayaan waxaa ka mid ah;

-Waqtiga ay habluhu gabarnimadooda buuxsanto iyo marka ugu horreysa ee uu dhiiga caaddadu ka yimaado.

-Xaaladdaha waxbarashada ee hablaha Soomaaliyeed iyo dib u dhaca mararka qaarkood ku yimaada.

-Guurka, gaar ahaan marka ay habluhu ku guursadaan da'da yar

-Xaaladda caafimaad, gaar ahaa xiliga guurka iyo dhalmada

-Dhibaatooyinka ay dagaalladu u geystaan hablaha Soomaaliyeed.

Haddaba barnaamijyadan waxaad mid walba ka dhagaysan kartaa qeybta hoose ee qoraalkan.

Nolosha Hablaha Soomaaliyeed (Q-5aad)

Waa qeybtii Shanaad oo ah qeybtii ugu danbeysay oo ka hadlaysa dhibaatooyinka ay dagaaladu u geystaan dumarka Soomaaliyeed.

Nolosha Hablaha Soomaaliyeed (Q-4aad)

Qeybtan Afraad waxay ka hadlaysaa xaaladda Caafimaadka gabdhaha marka ay uurka yeeshaan iyo xiliga dhalmada

Nolosha Hablaha Soomaaliyeed (Q-3aad)

Qeybtan saddexaad waxay ka hadlaysaa guurka iyo hablaha da'da yar ku guursada iyo waliba raga da'da weyn ee hablaha guursada

Nolosha Hablaha Soomaaliyeed (Q-2aad)

Qeybtan labaad waxay ka hadlaysaa xaaladda waxbarashada ee gabdhaha iyo dib u dhaca mararka qaarkod la soo darso ee dhinaca waxbarashada

Nolosha Hablaha Soomaaliyeed (Q-1aad)

Qeybtan koowaad waxay ka hadlaysaa xaaladdaha ay maraan gabdhahu marka ay gabarnimadoodu soo baxdo gaar ahaan marka uu dhiigu ku dhaco.

Dhageysiga Idaacaddaha

Daawo Sawirrada Afgooye

Ma joogtaa Somalia ama Dhadhaab?
Ma Doonaysaa inaad Fikirkaaga ka Dhiibato Dastuurka Cusub?
Fadlan Halkan Noogu soo dir Taleefonkaaga.

Lambarka Taleefonka:


Daawo Wareysiga Farmaajo