Waddamada Geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya waxaa sanadka cusub ee 2011-ku uu ugu dhashay abaaro baaxad leh oo saameeyay dadka iyo duunyada ku nool deegaamada Geeska Afrika. Abaarahan ayaa ka dhashay kaddib markii ay xumaadeen dalagyadii beeraha ka soo go' jiray iyo waliba roobabka oo sanadkii dhamaaday aad u yaraa.
Haddaba Idaacadda VOA, waxay idiin diyaarisay barnaamijyo 5 qeybood ah oo ka hadlaya abaaraha.
Waa qeybtii shanaad ee barnaamijyada taxanaha ah ee abaaraha. Qeybtana waxay ku saabsan tahay sida ay abaartu u saameysay Bay iyo Bakool
Waa Qeybtii afraad ee barnaamijyada taxanaha ah ee abaaraha. Qeybtana waxay ku saabsan tahay abaarta Jubbooyinka iyo Shabeelooyinka
Dad ay ka mid yihiin caruur ayaa la sheegayaa in abaaraha jira aawadeed ay ugu dhinteen bartamaha Somalia, gaar ahaan Shabeellaha Dhexe.
Waa Qeybtii labaad ee barnaamijyada taxanaha ah ee abaaraha. Qeybtana waxay ku saabsan tahay abaarta Puntland.
Waa qeybtii koowaad barnaamijyo taxane ah oo aan uga hadlayno abaaraha Somalia, qeybtan waxay ku saabsan tahay abaarta Somaliland
Madaxa Hay'adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR) Antonio Guterres ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay u gurmadaan Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalim ayaa sheegay in abaaro baahsan ay ka jiraan deegaanada Waqooyi Bari ee Kenya.